Hordhac: Xaqiiqooyinka Aad Uga Baahantahay Kulanka El Clásico

0
34

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kulanka ugu xiisaha badan ayaa dhexmari doona kooxaha Barcelona iyo Real Madrid kulan ka tirsan horyaaalka La Liga.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ah hogaamiyayaasha horyaalka isla markaas doonaya in ay badiyaan kulanka.

Dhinaca kale Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay hogaanka kala wareegaan Barcelona.

Kulanka: Barcelona Vs Real Madrid

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Bernbue

XAQIIIQOYINAK

Real Madrid ayaa badisay afartii kulan ee ugu dambeeyay oo ay wajahday Barcelona tartamada oo dhan, waxaana laga yaabaa inay rikoor shan guul oo xiriir ah ka gaarto El Clásico kaliya markii labaad 59-kii sano ee lasoo dhaafay.

Tan iyo 2020, FC Barcelona ayaa laga badiyay 10 ka mid ah 14-kii kulan ee ay ciyaartay El Clásico tartamada oo dhan (4 guul). Tani waa guuldaradii ugu badneyd ee soo gaartay 39-kii kulan ee hore, taasoo ka soo bilaabatay Josep Guardiola kulankii ugu horeeyay ee tababarenimo December 2008 (W19 D10 L10).

Real Madrid ayaa badisay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee ay gurigooda kula ciyaareen Barcelona horyaalka La Liga (L1), iyagoo badiyay labadii kulan ee ugu danbeysay.

Real Madrid ayaa haatan 42 kulan oo xiriir ah guuldarro la’aan ah La Liga (W31 D11) waxayna barbarayn kartaa guuldarro la’aantii ugu fiicnayd ee koox taariikhda tartanka, oo ay gaadhay FC Barcelona intii u dhaxaysay April 2017 iyo May 2018 (G43 W34 D9).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here