Nunez Oo Liverpool Guul Ku Hogaamiyay.

0
3

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Liverpool ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda RB Leipzig iyaga oo badiyay kulankoodii 3-aad oo xidhiidh ah.

Liverpool ayaa maamulaysay ciyaarta iyada oo kooxda RB Leipzig ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah.

Daqiiqadii 27-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Darwin Nunez kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Qaybtii dambe ayay Liverpool sii waday raadinya goolal kale iyada  RB Leipzig ciyaarayso weeraro rogaal celis ah.

RB Leipzig ayaa marar badan ku dhawaatay in ay Liverpool ka dhaliso gool laakiin uma suurtagalin.

Dhinaca kale Man city ayaa guul ka gaadhay kooxda sparta Praha iyaga oo gaadhay guul weyn kulan ka dhacay Etihad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here