Mareykanka iyo Qatar oo ka wada hadlay colaadda Gaza.

0
3

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa maanta la kulmay amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Kulankan waxa uu qayb ka ahaa socdaal uu Blinken ku marayo gobolka, kaas oo uu diiradda ku saaray wadahadallo lagu soo afjarayo colaadaha Marinka Gaza iyo Lubnaan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa horey u booqday Sacuudiga, Israaiil iyo Urdun.

Antony Blinken xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ujeedka socdaalkiisa dalalkan lagu sheegay inuu salka ku hayo adahadallada xabbad-joojinta Gaza iyo mustaqbalka siyaasadda ee marinka Gaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here