Hordhac: Bournemouth Vs Arsenal.

0
3

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Arsenal ayaa marti u noqon doonta kooxda Bournemouth kulan ka tirsan premier League.

Arsenal ayaa doonaysa in ay si ku meel gaadh ah ula wareegto hogaanka horyaalka premier League.

Gunners ayaa doonaysa in ay badiso kulanka si ay u sii wadato guulaha xidhiidh ah ee premier Legaue.

Kulanka: Bournemouth Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30

Garoonka: Vitality Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Guusha kaliya ee Bournemouth ay ka gaartay Arsenal 16 isku day oo ay isku dayday tartamada oo dhan waxa ay aheyd 2-1 oo ay ku garaacday gurigeeda Premier League bishii January 2018.

Arsenal ayaa badisay sideed ka mid ah sagaalkii kulan ee lasoo dhaafay, halka kulanka kale ay barbaro gashay.

Arsenal ayaan laga badinin 16 kulan oo ay ciyaartay tartamada oo dhan tan iyo guuldaradii 1-0 ka soo gaartay Bayern Munich lugta labaad ee sideed dhamaadka Champions League bishii April.

Arsenal ayay hal guul uga dhimantahay in ay gaadho 2000 oo guul kadib Kooxda Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here