Diyaaradda aan duuliye lahayn oo lagu weeraray guriga ra’iisul wasaaraha Israa’iil

0
5

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Diyaarad nuuca aan duuliyaha lahayn ayaa waxaa lala beegsaday guriga ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ku yaalla Caesarea, waqooyiga Israa’iil, sida uu sheegay afhayeenkiisu.

Netanyahu kuma uusan sugnayn dhismaha, wax qasaare ahna kama dhalan, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Milatariga Israa’iil ayaa goor sii horeysay sheegay in saddex diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn loo soo ganay dhanka magaalo xeebeedaan subaxnimadii hore ee Sabtida.

Mid ka mid ah ayaa ku dhacday dhisme, halka labada kalena la qabtay, ayay sheegeen milatarigu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here