Maxkamadda Sare ee Kenya oo hakisay xil ka qaadista Madaxweyne Kuxigeenka.

0
3

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay go’aanka Aqalka Senate-ka uu xil ka qaadista ugu sameeyay Madaxweyne Kuxigeenkii Kenya Rigathi Gachagua. Tan ayaa timid wax yar uun kaddib markii xildhibaannada wadankaasi ay si aqlabiyad ah u meel mariyeen magacaabista William Ruto ee Madaxweyne Kuxigeenka cusub oo ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha.

Maxkamadda ayaa si kumeel gaar ah u hor istaagtay badalka lagu sameeyay Rigathi Gachagua illaa kiiskan ay ka dhagaysanayso 24 bishan Oktoobar.

Qareenka Rigathi Gachagua ayaa su’aal ka keenay degdegta uu Barlamaanku ku badalay Madaxweyne Kuxigeenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here