Maxkamada dalka Bangladesh oo amar ku bixisay xeritaanka Ra’iisul wasaarihii hore.

0
4

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maxkamad dalka Bangladesh ayaa amartay in la soo xiro raysalwasaarihii hore Sheekh Xasiina oo Hindiya u duushay bishii Agost kaddib markii ay xukunka ka tureen dibadbaxayaal.

Xasina waxaa doonaya maxkamadda dambiyada caalamiga ee Bangladesh, waxaana loo haystaa dambiyo ka dhan ah aadnaha kuwaas oo dhacay intii dibadbaxyda socdeen. Dibadbaxyada waxaa lagu dilay boqolaal qof.

Xasina oo wadanka madax ka aheyd 20 sano, waxaa loo arkay xukunkeeda mid kali talis ah oo aan naxariis laheyn.

14 qof oo kale ayey maxkamadda amartay in la soo xiro, waxaana ka mid dadkaas wasiiro ka tirsanaa dowladda oo dalka ka baxsaday.

Dowladda cusub ee Bangladesh ayaa kala noqotay baasaboorka diblomaasiyadeed ee Xasina, waxaana labada dal ka dhaxeeyay in ay isugu soo dhiibaan dadka la doonayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here