Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga kooxda Man City ee Erling Haaland ayaa u dabaaldegay inuu noqday gooldhaliyaha abid ugu sarreeya Norway.
Weeraryahanka Manchester City ayaa dhaliyay goolashii 33-aad iyo 34-aad ee xulka qaranka kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Slovenia habeenkii Khamiista.
Taasi waxay keentay inuu ka hormaro Jorgen Juve ee gooldhalinta abid Norway.
Haaland ayaa la gudoonsiiyay kubada ciyaarta kadib markii uu dhaliyay saddexley kulanka.