Unicef oo sheegtay in kufsiga hablaha yar yar laga diiwaangaliyay waddammada saxaraha ka hooseeya.

0
17

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Haayadda carruurta u qaabbilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in siddeeddii hablood ee adduunka oo dhan ah, ay midkood mar uun la kulantay kufsi ama tacaddi kale oo jinsi ah, xilli tirada ugu badan laga diiwaan geliyey waddammada ka hooseeya Saxaraha ee Afrika.

Haayadda UNICEF ayaa soo saartay qiyaasteedii ugu horreysay ee caalami ah oo ku saabsan tacaddiyada galmada ee carruurta, taas oo daaha ka qaadday in 79 milyan oo gabdho ah, oo ka dhigan – mid kamid ah shanta gabdhoodba – ee ku nool waddamada ku yaal Afrikada saxahara ka hoosaysa ee ay saameeyeen colaadaha iyo xasillooni darrida, ay la kulmeen tacaddiyo iyo kufsi ka hor inta aysan gaadhin da’da 18 jirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here