Tuchel Oo Go’aan Ka Gaaray Wararka La Xidhiidhinaya Man United.

0
10

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Thomas Tuchel ayaa u furan inuu qabto shaqada Manchester United haddii kooxda Premier League ay go’aansato inay ceyriso tababaraha ku dhibtoonaya Erik ten Hag.

Waxay u muuqataa in mustaqbalka Ten Hag la caydhin doono Ten Hag marka ay maamulka kooxdu ku kulmaan London si ay u qiimeeyaan xilli ciyaareedka kooxda.

Tababaraha reer Holland ayaa si xun ku bilowday xilli ciyaareedka maamulka kooxda ayaana haatanba la xidhiidhay dhawr tababare si ay ugu badalaan isaga.

Tababarahii hore ee kooxda chelsea Thomas Tuchel ayaa horay xagaagii loola xidhiidhinayay si uu u badalo Ten Hag.

Tuchel ayaa bilaa shaqo ah kadib markii uu ka tagay kooxda Bayern Munich dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Sida laga soo xigtay Daily Express ayaa sheegaya in uu Tuchel diyaar u yahay in uu noqdo tababaraha cusub ee Man United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here