Barcelona Oo Ku Caro Baxday Young Boys.

0
3

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Barcelona Ayaa guul weyn Ka gaadhay kooxda Young Boys kulankoodii 2-aad ee champions League.

Barcelona ayaa ku qasbanayd in ay badiso kulankan Kadib markii ay guuldaro ku bilaabatay tartanka.

Daqiiqadii 8-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Lewandowski kaas oo hogaanka u dhiibay Kooxdiisa.

Xiddiga Raphinha Ayaa daqiiqadii 34-aad dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa waxana uu ciyaarta Ka dhigay 2/0.

Xiddiga daafaca uga ciyaara Barcelona ee Martínez kooxdiisa u dhaliyay goolka 3-aad.

Qaybta dambe ayay Barcelona si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal kale.

Daqiiqadii 51-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 4-aad waxana u dhaliyay xiddiga Lewandowski kaas oo ciyaarta Ka dhigay 4/0.

Kooxda Barcelona ayaa Heshay goolka 5-aad waxana si khaldan isaga dhaliyay xiddig kooxda Young Boys u ciyaara.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo Barcelona ku badisay 5/0 kana Soo kabsatay Guuldaradii kulankii furitaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here