Supercomputer Oo Saadaaliyay Badalka Erik Ten Hag.

0
3

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Supercomputer ayaa saadaaliyay tababaraha xiga ee Man United ee shaqada ka badali doona Erik Ten Hag.

United ayaa badisay kaliya labo guul lix kulan oo ay ciyaartay Premier League waxana ugu dambaysay guushii 3/0 ahayd ee ay kala kulantay Tottenham.

Erik Ten Hag ayuu cadaadis badan saaranyahay Kadib guuldaradii Man United ka soo gaadhay kooxda Tottenham.

Supercomputer ayaa saadaaliyay in uu Gareth Southgate noqon doono ama ugu cad-cadyahay in uu noqdo tababaraha xiga ee Man United.

SunSport ayaa fahansan in Ten Hag uu sii ahaan doono macalinka kulamada muhiimka ah ee isbuucaan ay la ciyaarayaan Porto iyo Aston Villa.

Balse haddii natiijada kulamada soo socda fiicnaan  waayaan waxa laga yaabaa in la caydhiyo iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda dhawr tababare.

Southgate waxaa lala xiriiriyay xagaagii markaas oo booska Ten Hag halis ku jiray laakiin wakhtigaas waxa uu ahaa tababaraha xulka England.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here