Xarunta Dugsiga Sare Agoonta Booliska Soomaaliyeed oo laga Xarig jaray Muqdisho.

0
5

Jowhar- (Isnaay Radio) waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya laga hirgaliyey Xarunta Dugsiga sare Agoonta Booliska Soomaaliyeed oo aay wax ku baran doonaan Caruurta Agoonta ah ee Booliska Soomaaliya xarig jarka xarunta ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakil Ciidan Xildhibaano iyo Masuuliyiin ka  socday Gobolka Banaadir.

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ahna Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka  iyo Duulista Hawada Sulub Axmed firin ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay inta xafiiska howlaha uu joogay kaalinta Booliska aay ka qaaten Arimaha Agoonta Booliska Soomaaliya.
Warbixintaan waxaa inoo soo Jeedineeysa:- Cabdifataax Axmed Macloow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here