Tani Waa Dhamaadka Ten Hag , Haddaysan Ahayn Hadda, Waqti Dhow Albaabka Laga Saaray.

0
4

Jowhar (Isnaay Radio)  Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa ugu dambeyn banaanka keenay inuusan waxba ka qaban karin kooxdan muddo dhibaataysan, isaga ayaaba imika u muuqda mid cagta soo saaray dhamaadka wadada uu ka bixi laha, ka dib markii ceeb aad u xun uu kala kulmay Tottenham Hotspur oo ay ku kulmeen Old Trafford shalay.

Tan iyo markii mulkiilaha United Sir Jim Ratcliffe iyo madaxda kooxda ee dib loo habeeyey ay aamineen Ten Hag xagaagii hore, isla markaana heshiis cusub ka saxiixden, waxay haatan ogaaden inay ku deg degen go’aankasi.

Marka la eego booska uu dhigay kooxda xagaagii hore iyo imika halka uu dhigay kooxda, 54-sano jirkaan waxa uu cagta saaray wadadii uu ka bixi lahaa.

ka dib qaab ciyaareedkii United oo ahaa mid qarow leh , karti la’aan iyo asluub ​​la’aan leh, waxaa qasab ah in madaxda kooxda ay go’aan qaatan.

Ku guuleysiga EFL Cup 18 bilood ka hor iyo guushii cajiibka ahayd ee FA Cup-ka xilli ciyaareedkii hore ee ay ka qaadeen Manchester City, ayaa ahayd sababtii Old Trafford kusii celisay Ten Hag.

Guuldaradii waqooyiga London derby ee gurigooda ay ku garaaceen Arsenal .

Su’aasha ugu weyn ee ay wajahayso Old Trafford ayaa ah iyadoo uu roob ku da’ay kumannaan kursi oo cas oo ay banneeyeen taageerayaashii bahdilka dareemay, sidee ayee madaxda ugu falcelin doonta?

Ten Hag ma joogi karaa? Hadday sidaas tahay ilaa intee?

Haddii ay jireen calaamado yaryar oo horumar ah waa dhanka difaaca ee ololahan, taasi waxa laga dareemay meel fog oo garoonka Old Trafford ah Axadii.

Waxay u ahayd maalin adag saxiixii ugu dambeeyay ee Ten Hag, Manuel Ugarte, kaasoo ku dhex lumay ciyaarta, halka Joshua Zirkzee, uusan waxba sameenin isagoo aan weli muujinin wax calaamad ah oo uu ku muujin karo inuu yahay mid ka mid ah xiddigii lagu soo iibsaday £36.54-ka Milyan.

United ayaa haatan ku jirta kaalinta 12-aad ee kala saraynta  Premier League iyada oo laga badiyay saddex ka mid ah lixdii kulan ee ugu horeeysay.

Iyadoo la xasuusan yahay guuldaradii 3-0 ee ka soo gaartay Liverpool , United ayaa haatan laga badiyay kulamo xiriir ah oo ay ku ciyaareen garoonkeeda iyagoo aan wax gool ah dhalin.

Markii ugu dambeysay ee ay tani dhacdo waxay ahayd waagii Ole Gunnar Solskjaer oo la ceyriyay kadib markii uu guuldarrooyin uu kala kulmay

Liverpool oo 5-0 ugu badisay, iyo 2-0 ay kaga badisay Manchester City bishii November 2021kii.

Dejan Kulusevski ayaa kaligii abuuray sagaal fursadood, waana fursadii ugu badneyd ee ciyaaryahan soo booqdo kulan Premier League ah oo ka dhacay Old Trafford tan iyo markii la bilaabay rikoorada 2003-04.

United ayaa haatan looga badiyay 23 kulan oo Premier League ah seddex gool ama wax ka badan 424kii kulan ee ugu dambeysay.

Tani waa in ka badan sidii ay sameeyeen 1,035 kulan oo horyaalka ah intii uu Sir Alex Ferguson joogay, markaasoo ay dhacday 22 jeer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here