Laliga Oo Wajahaya Ceeb Iyo Fadeexo Kadib Wixii Dhacay Xalay.

0
5

Jowhar (Isnaay Radio) Ciyaartii Madrid Derby ee u dhaxeeysay kooxaha is neceb ee Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa la joojiyay xalay muddo 15 daqiiqo ah, iyadoo taageerayaasha Atletico ay walxo ku tureen goolhayaha Real Thibaut Courtois ka dib markii uu u dabaaldegay goolkii furitaanka ka hor inta aysan xilli dambe goolka barbaraha la imaan Atletico.

Maamulaha Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa dhaleeceeyay taageerayaashii walxaha ku tuuray goolhayaha Real Madrid ee Thibaut Courtois laakiin waxa uu dareemay in xiddiga reer Belguim uu door ka ciyaaray kicinta jamaahiirta.

Courtois ayaa u soo jeestay taageerayaasha Atletico oo uu ku dabaal degay ka dib markii Eder Militao uu hogaanka u dhiibay kooxda martida ahayd.

Taageerayaasha ayaa si kulul uga falceliyay Courtois waxayna ku tureen dhowr shay oo ay ku jiraan jangasiigaro ama walaacad iyo bac.

Sidaas darteed garsoore Mateo Busquets ayaa hakiyay ciyaarta, wuxuuna ku qasbay labada kooxoodba inay garoonka ka baxaan.

Dadaal dheer oo ay galeen Simeone iyo qaar ka mid ah ciyaartoydiisa oo ay ku jiraan kabtan Koke iyo Jose Maria Gimenez ayaa ka codsaday inay joojiyaan taageeryaasha dhaqan xumada.

Nasiib wanaag jamaahiirta martida loo ahaa ayaa jawi farxad ah galay kadib markii uu Angel Correa u dhaliyay goolka barbaraha cajiibka ah kaas oo markii hore offside ahaan loo diiday walow markii danbe VAR ay ansixisay goolka.

Ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 1-1.

Laakin dhacdadii uu ku lug lahaa Courtois ayaa si aan la dafiri karin weji kale u yeeshay tartanka.

Natiijadu waxay ilaalisay guuldarro la’aanta labada kooxood ee xilli ciyaareedka 2024-25, iyadoo Real Madrid ay ku jirto kaalinta labaad iyadoo leh 18 dhibcood, halka Atletico Madrid ay ku jirto kaalinta saddexaad iyagoo leh 16 dhibcood.

Kooxda Barcelona ayaa hogaanka horyaalka Spain ku hogaaminaysa 21 dhibcood 8 kulan oo ay ciyaartay laakiin waxa ay sabtidii la kulantay guuldaradii ugu horaysay ee xilli ciyaareedkan kadib markii ay guuldaro 4/2 ah kala kulantay Osasuna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here