Tobnaan qof oo Nepal ugu dhintay daadad.

0
13

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 66 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Jimcihi ilaa Sabtidi shalay daadad iyo dhul go ka dhacay, iyadoo ay xirmeen waddooyinka ugu muhiimsan dalka taasoo keentay in ay carqalad ku timaaddo isu socodka gaadiidka cirka iyo dhulka.

Tirada dhimashada ayaa laga yaabaa in ay kororto kaddib marki lasoo wariyay in la la’yahay ku dhawaad 7 qof. Saraakiisha wasaaradda arrimaha gudaha ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dadka dhaawaca ah ay gaarayaan 60 qof..

Dadka dhintay ayaa intooda badan ku noolaa dooxada Kathmandu oo hooy u ah dad gaaraya 4 milyan oo ruux isla markaana ah caasimadda waddanka.

Shaqaalaha gurmadka oo adeegsanaya diyaaradaha qummaatiga u kaca iyo doonyaha caagga ah ayaa isku dayaya in ay dadka kasoo badbaadiyaan saqafka kore ee guryaha, kaddib marki ay biyaha garqiyeen guryaha joogga gaaban iyo gaadiidka intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here