Chelsea Oo Xasuuqday Brighton.

0
3

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda chelsea ayaa xasuuqday kooxda Brighton iyaga oo sii wata qaab ciyaareedkooda cajiibka ah.

Xiddiga Cole Palmer ayaa dhinaciisa qaab ciyaareedkiisa u qaaday heer kale kulanka.

Blues ayaa ku badisay 4/2 waxana ay uga mahad celinayaan xiddiga Palmer oo dhaliyay 4-ta goolba.

Kooxda Brighton ayaa daqiiqadii 7-aad Chelsea kaga naxsatay gool waxana u dhaliyay xiddiga Georginhio Rutter kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Laakiin Palmer ayaa laba gool oo deg-deg ah kala dhaliyay daqiiqadihii 21-aad iyo 28-aad ee ciyaarta.

Xiddiga Palmer ayaa mar kale soo laabtay waxana uu daqiiqadii 31-aad dhaliyay goolka 3-aad ee shaqsiga ah iyo goolka 3-aad ee kooxdiisa.

Kooxda Brighton ayaa daqiiqadii 34-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Carlos Baleba kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Laakiin xiddiga Palmer oo ahaa xiddiga ugu fiican ciyaarta ayaa daqiiqadii 41-aad dhaliyay goolka 4-aad ee ciyaarta waxana uu ka dhigay 4/2.

Kooxda Arsenal ayaa guul wakhti dambe ah ka gaadhay kooxda Leicester City kulan ka dhacay Emirates.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here