Sergio Aguero Oo Magacaabay Xiddiga U Qalma Ku Guulaysiga Abaalmarinta Ballon d’Or.

0
4

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sergio Aguero ayaa ku taageeray xiddiga Real Madrid Vinicius Jr inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or Waxa uu sheegay in xiddiga reer Brazil uu ka fiicnaa Kylian Mbappe xilli ciyaareedkan Sidoo kale xilli ciyaareedkii hore.

Isagoo si toos ah ula hadlaya Neymar, Aguero wuxuu sheegay in Vinicius Jr uu muujiyay sababta uu ugu qalmo Ballon d’Or.

Waxa uu intaa ku daray in xiddiga reer Brazil aad uga fiican yahay xiddiga ay isku kooxda yihiin.

“Xilli ciyaareedkan, Vinicius wuu ka fiicnaa Mbappe, waa ciyaaryahan abuura halis, marka ay kubadu la joogto Vinicius, waxaad dareemeysaa khatarta”.

“Waxaan jeclaan lahaa Vinicius inuu ku guuleysto Ballon d’Or. Waxa uu ahaa mid aad u weyn ka fiican xilli ciyaareedkan,” ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here