Doorasho xasaasi ah oo maanta ka dhaceysa Sri Lanka.

0
10

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Malaayiin qof oo ka mid ah shacabka waddanka Sri Lankans ayaa saakay oo sabti ah u dareeray goobaha codbixinta si ay u soo doortaan madaxweyne cusub.

In ka badan 17 milyan oo qof oo ka mid ah 22-ka milyan ee ku nool Sri Lanka ayaa isu diiwaan-geliyay in ay codadkooda dhiibtaam.

Waxay kala saari doonaan saddexda murashax ee doorashada ku tartameysa oo kala ah madaxweynaha hadda talada haya Ranil Wickremesinghe iyo hoggaamiyaha mucaaridka Sajith Premadasa iyo sidoo kale Anura Kumara Dissanayake.

Ciddi ku guuleysata xilka madaxtinimada ayaa waxaa sugeysa shaqo adag ah kor u qaadidda dhaqaalaha fadhiidka ah ee dalkaasi dhaca koofurta Aasiya, kaas oo aanan wali kasoo kabsan qalalaaso dhaqaale oo uu dhex fadhiyay 10-ki sano ee lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here