QM oo ka dalabatay Israel in ay joojiso qabsashada sharci darrada ee dhulka Falastiiniyiinta

0
14

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay qaraar qabyo ah oo lagu dalbanayo in Israa’iil ay joojiso qabsashada sharci darrada ah ee ay ku haysato dhulka Falastiiniyiinta muddo sanad gudaheed ah.

Boqol iyo afar iyo labaatan waddan ayaa u codeeyay (14 waa diiday, 43 kalena way ka aamuseen.) Qaraarka ayaa qaatay ra’yi la-talin ah oo ay soo saartay maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay bishii Luulyo taas oo sheegtay in haysashada Israa’iil ay tahay sharci-darro iyo in Israa’iil ay joojiso joogitaankeeda sharci-darrada ah ee howlaha deegaameeynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here