AS Roma Oo Ku Dhawaaqday Badalka Tababare De Rossi.

0
5

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Roma ayaa ku dhawaaqday in Ivan Juric ay u magacawday macalinkeeda cusub kadib markii si lama filaan ah shaqada looga ceyriyay Daniele De Rossi.

Ka dib markii uu ku guuldareystay inuu ku hogaamiyo Giallorossi guul 4-tii kulan ee ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka Serie A-da De Rossi ayaa shaqada laga ceyriyay Arbacadii, kaliya sideed bilood ka dib markii uu badalay Jose Mourinho.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Roma ayaa ka tagay booskiisa isagoo qabtay kaliya 30 kulan oo kooxda ah.

Si kastaba ha ahaatee, wadahadalada Juric ayaa si xawli ah u socday markii De Rossi lagu amray inuu ka tago kooxda waxana ay kooxdu haatan xaqiijisay imaatinka tababaraha badalkiisa ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here