Carruur ku geeriyootay qaboojiye dhexdiis.

0
8

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Booliiska Namibia ayaa baaraya dhimashada afar caruur ah oo ku ciyaarayay qaboojiye duug ah oo faaruq ahaa, dhacdada ayaana ka dhacday waqooyi bari gobolka Zambezi.

Caruurta dhimatay ayay da’doodu u dhaxaysay saddex jir ilaa lix jir, carruurtan ayaa laga helay qaboojiyaha aan la isticmaalin ee degaanka dadku ku badan yahay ee magaalada Katima Mulilo galabnimadii Isniinta.

Booliska ayaa rumeysan in carruurta ay si lama filaan ah ugu go’doomeen xilli ay ku ciyaarayeen kuna neef qabatoobeen gudaha balse waxaa socda baaritaanno.

labo kamid ah caruurta waxa ay ku dhinteen gudaha qaboojiyaha, halka labada kale ay dhinteen kadib markii la geeyay isbitaalka, sida ay ku warameen warbaahinta dalkaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here