TikTok oo lasoo taagay maxkamad ku taala Maraykanka

0
10

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qareennada TikTok ayaa u sheegay maxkamad ku taal Washington in sharciga looga mamnuucayo appka dalka Mareykanka uu “saameyn yaab leh” ku yeelan doono xorriyadda hadalka.

Sharciga oo la ansixiyay horaantii sanadkan ayaa siiyay Tiktok ilaa Janaayo si ay meesha uga saran shirkadda ay shaqo wadaagga yihiin ee Shiinaha, ByteDance.

Arinkan ayaa waxa sababay walaac laga qabo in ay suurta gal tahay in dawladda Shiinuhu ka faa’iidaysato xogta TikTok ee boqol – iyo toddobaatan (170) milyan ee Maraykanka ah ee isticmaalo TikTok .

Mid ka mid ah qareennada shirkadda (Andrew Pincus) ayaa sheegay in tallaabooyinkani ay ku salaysan yihiin “khatarta mustaqbalka ee aan la go’aamin karin” iyagoo sheegay in TikTok iyo ByteDance aysan lahayn mas’uuliyiinta Beijing.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here