Muhaajiriin ku dhimatay Kanaalka u dhaxeeya Faransiiska iyo Ingiriiska

0
10

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sideed qof ayaa ku dhintay habeenimadii xalay iyagoo doonaya in ay ka gudbaan Kanaalka u dhaxeeya wadamada Faransiiska iyo ingiriiska sida ay sheegeen booliska Faransiiska.

Kooxaha badbaadada ayaa lagu war galiyay kaddib markii dooni la kulantay xaalad adag biyaha woqooyiga Boulogne-sur-mer ee gobolka Pas-de-Calais saqdii dhexe ee xalay.

Doonta waxa la socday 50 qof, waxayna bilowday in ay quusto wax yar uun kaddib markii ay ka shiraacatay xeebta.

Arintan ayaa imaanaysa labo todobaad uun kaddib markii 12 qof oo ay ku jiraan 6 caruurra iyo haweeyney uur leh ku dhinteen dooni siday tobannaan muhaajiriin ah oo ku quustay kanaalka, waana tii ugu xumeyd ee sanad kan ka dhacda Kanaalka u dhaxeeya labada wadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here