Musharaxiinta Doorashada Mareykanka oo yeeshay dood kulul.

0
8

Jowhar – ( Radio Isnaay ) -Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris oo Dimoqraadi ah, iyo Madaxweynihii hore Donald Trump oo Jamhuuri ah, ayaa yeeshay dood adag oo muhiim u ah ololaha doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 5-ta November.

Labada musharax ayaan waligood kulmin ama xitaa taleefan kuma wada hadlin, laakiin waxay isaga horyimaadeen ayaga oo masaafo yar isku jira Xarunta Dastuurka Qaranka ee Philadelphia.

Trump iyo Harris ayaa isku weeraray arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, socdaalka, amniga, siyaasadda arrimaha dibedda iyo in haweenka ay iska soo ridi karaa ilmaha uurkooda ku jira iyo in kale.

Trump ayaa ku eedeeyey maamulka madaxweyne Biden ee Harris ay madaxweyne ku-xigeenka ka tahay inuu sabab u yahay sicir-bararka ka jira dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here