In ka badan 50 Qof oo ku dhimatay Shil gawaari oo ka dhacay Nigeria

0
17

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhimashada ka badan 50-ka qof waxay ka dhacday gobolka Bartamaha Nigeria ee Niger kaddib markii booyad shidaal ay ku dhacday gaari xamuul ah oo siday dad iyo lo’, sidaasina waxaa sheegay hay’adda masiibooyinka dalka.

Sida ay hay’addu sheegtay, shilka oo dhacay saq dhexe waxaa ka dhashay dab qabsaday labada gaari. Gawaari kale ayuu sidoo kale dabku gaaray.

Muuqaallo laga duubay goobta wax yar kaddib markii uu shilka dhacay ayaa muujinaya labada gaari oo wada gubtay iyo lo’idii oo halkaas ku dhimatay.

Shaqaalaha samatabixinta ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ay isku dayayaan in ay ka soo saaraan goobta dad iyo xoolo wixii halkaas ku dhintay.

Hussain Ibrahim oo ah afhayeen u hadlay hay’adda samatabixinta ayaa BBC-da u sheegay in maalintii Axadda aas loo sameeyay dadkii ku dhintay shilka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here