Barcelona Oo War Fiican Ka Heshay Xaalada Hansi Flick

0
18

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Barcelona ayaa Isniintii ku soo laabatay tababarka waxana ay kooxdu war fiican ka heshay tababare Hansi Flick asigoo hogamiyay tababarka.

Barcelona ayaa la ciyaari doonta kooxda Girona kulan ka tirsan La Liga todobaadkii 5-aad ee horyaalka.

Kooxda Barcelona ayaa Isniintii ku soo laabtay tababarka kadib 4 maalin oo fasax ah oo la siiyay xiddigaha kooxda.

Wargayska MARCA Ayaa sheegay in uu Flicks ku farxay soo laabashada xiddigaha Ansu Fati iyo Frenkie De Jong.

Arintan ayaa ah mid uu Flicks ku farxay maadama xiddigaha uu awoodi karo in uu ciyaarsiiyo kulamada kadib fasaxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here