Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka oo taageeray ololaha doorashada Kamala Harris.

0
14

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka ahna ragga ugu muhiimsan xisbiga Jamhuuriga Dick Cheney ayaa xaqiijiyay inuu u codeyn doono Kamala Harris oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga doorashada soo socoto ee madaxtinimada ee November.

Mr Cheney oo loo arkayay inuu ahaa shaqsi saameyn weyn ku lahaa xilligii uu madaxweynaha ahaa George W Bush ayaa soo saaray bayaan uu ku sheegay in uusan jirin shaqsi uga ka khatar badan jamhuuriha Donald Trump oo hadda ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga.

Gabar uu dhalay , xildhibaankii hore ee xisbiga Jamhuuriga Liz Cheney, ayaa u sheegtay dadweynihii ku sugnaa Texas mar sii horeysay in aabaheed uu qorsheynayay inuu taageero musharraxa Dimuqraadiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here