FIFA VIRUS: Xiddig Muhiim Ah Oo Ka Dhaawacmay Liverpool.

0
13

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ciyaaryahan Liverpool ah ayaa dhaawac soo gaaray intii lagu jiray fasaxa caalamiga ah ee bishan haatan.

Ciyaartoyda ayaa aaday waajibaadka xulalkooda fasaxa caalamiga ah ee bisha September.

Ciyaaryahanka kooxda Liverpool ee Alexis McAllister ayaa dalkiisa Argentina kala qeyb galay ciyaartii ay la ciyaareen Chile isreeb-reebka koobka aduunka 2026.

McAllister ayaa gool u dhaliyay Argentina ciyaar ay ku badiyeen 3-0, waxaana la bedelay daqiiqadii 79-aad kadib dhaawac soo gaadhay.

“Ilaa haatan ma garanayo xaaladiisa, waa iska caadi in ay ciyaarta ka baxaan maadama ay raaxo la’aan dareemeen, waxa aan arki doonaa in ay ciyaari karaan kulanka xiga”.

Xulka Argentina ayaa la ciyaari doonta xulka Colombia Salaasada dambe kulan ka tirsan is reeb-reebka Koobka Adduunka 2026.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here