Maraykanka oo ku eedeyey warbaahin Ruushka laga leeyahay faragalin doorashada dalkaasi

0
14

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay labada tafaftire ee ugu sarreeya TV-ga RT ee ay maalgeliso dowladda Ruushka, iyaga oo ku eedeeyay in ay ka qeyb qaateen howlgalk Kremlin-ku ku faragalinayeen doorashada madaxtinimada ee November. Warbaahinahan la eedeeyey ayaa iska fogeysay eedeymaha loo soo jeediyay.

Maamulka ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin “si adag looga hortago” hawlgallada la sheegay.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Merrick Garland, ayaa ku eedeeyay warbaahinta RT, oo hore u ahaan jirtay Russia Today, in ay bixisay 10 milyan oo dollar oo la siiyey shirkad Tennessee si ay u “abuurto oo ugu qaybiso waxa dhagaystayaasha Maraykanka fariinta qarsoon ee dawladda Ruushka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here