Golaha Ammaanka oo ka walwalsan guuldarrada xabbad-joojinta Gaza

0
29

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii muujiyay sida ay uga xun yihiin in lagu guul daraystay soo afjarista heshiis xabbad-joojin ah oo ka dhaqan gala Gaza iyo in la sii daayo la haystayaasha Isra’il ee ku jira gacanta kooxaha Falastiiniyiinta.

Walaaca Golaha Ammaanka ayaa imanaya, xilli ay sii kordheyso colaadda Falastiiniyiinta iyo Isra’aa’iiliyiinta, iyada oo todobaadkan lasoo helay meydadka lix ka mid ah Israa’iiliyiinta iyo halka tobnaan Falastiiniyiin ah lagu dilay rabshado ka dhacay Daanta Galbeed.

Danjiraha Slovenia ee Qaramada Midoobay Samuel Žbogar oo hadda ah Shir-guddoomiyaha Golaha Ammaanka, xilkaas oo ah mid meerta ah oo bishiiba uu waddan guddoomiyo, ayaa sheegay in ay jirto caro laga dareemay dunida oo ku saabsan, sida bulshada caalamka ugu fashilantay loogu guuldarreystay dhibaatada Falastiin ka jirto iyo sii deynta dadka Isra’il.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here