Booliska Adduunka oo bilaabay howlgal ka dhan ah kooxaha internet-ka dhaca ka geysta.

0
16

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Booliiska wadamada kala duwan ee caalamka ayaa bilaabay howlgallo qarsoodi ah oo ka dhan ah koox dambiilayaal ah oo ku sugan Galbeedka Afrika, iyadoo bilihii April iyo May ee sanadkan ay dhaceen falal ka dhan ah kooxda Black X oo laga fuliyay 21 wadan oo caalamka ah.

Hawlgalladaan oo loogu magac daray ‘Operation Jackal 3’, oo ay kormeerayaan booliska caalamiga ah ee Interpol, ayaa ilaa iyo hadda lagu soo qabtay in ka badan 300 oo qof.

Sida laga soo xigtay Interpol, kooxdaan geysata danbiyada abaabulan ayaa lagu tilmaamay ‘burcad khatar caalami ah wadata’ kuwaas oo isticmaala awoodda tiknoolajiyadda.

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta dalka Canada, waxaa gacanta lagu dhigay qorshe ay kooxdaan fulinayeen oo ah dhaqista lacagta waxaana lagu qiyaasay lacag ka badan shan bilyan oo doolar.

Warbixin ay soo saartay Interpol sanadkii 2022, ayaa lagu sheegay in Black X iyo kooxaha la midka ah ay mas’uul ka yihiin inta badan dambiyada dhanka internet-ka kuwaas oo saameeya dhaqaalaha adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here