Xuutiyiinta oo ogolaatay in gurmad uu gaaro markab ku gubanaya Badda Cas

0
22

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Howlgalka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadi sheegay, in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ogolaatay in doonyo iyo maraakiib gurmad ah ay gaaraan, markab wada saliid ceyriin oo ku gubanaya Badda Cas, kaddib marki ay malleeshiyo ka tirsan Xuutiyiinta weerareen todobaadki hore.

Markabkan oo wata calanka Giriiga ayaa wada ilaa hal milyan oo barmiil oo saliid ceyriin ah. Saraakiisha markabka ayaa ka digay in saliidda ku daadaneysa badda ay keeni karto mid ka mid ah khataraha ugu weyn ee dhanka deegaanka ah ee soo marta caalamka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here