Liverpool Oo Qarka U Saaran Saxiixeedii 2-aad Ee Suuqa Xagaaga.

0
9

Jowhar – ( Radio Isnaay )- Kooxda Liverpool ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Juventus ee Federico Chiesa sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay Liverpool ka shaqaynayso dhamaysirka saxiixa xiddiga Federico Chiesa ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaa.

Isniintii ayay ahayd markii ay soo bexeen warar sheegaya in ay Liverpool wadahadalo la furtay Juventus si ay u hesho saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara.

Liverpool ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga 26 jirka ah si ay uga dhigto saxiixeedii 2-aad ee suuqa xagaaga.

Xiddiga reer Italy ayaa lagu heli karaa kaliya 15 milyan oo euro marka la eego in heshiiskiisa kooxda Juventus dhacayo sanadka 2025.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay u soo bandhigtay xiddiga heshiis 4 sano ah oo uu ku joogayo kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here