Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay wafdi ka socda Midowga Yurub. Kulanka waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay horumarada shaqo ee xafiiska, muhiimadda taageerada la-taliyayaasha farsamo, iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha hantidhowr ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Waxaa Soo Jeedinaay :- Abdiwali Tima Cadde.