Kai Havertz Oo Shaqo Cajiib Ah Ku Dhaafay Mbappe Iyo Haaland.

0
8

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Kai Havertz ayaa sii watay qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah xilli ciyaareedka cusub isaga oo gool dhaliyay sidoo kalena caawiye ka noqday mid kale kulankii Wolves.

Marka loo eego tirakoobka Opta, wuxuu gaaray gool iyo caawin isla horyaal kaliya shan jeer 2024, isagoo dhaafay ciyaartoyda kale ee ugu sareysa sida Kylian Mbappe, Vini Jr., iyo Erling Haaland.

Qaab ciyaareedka cajiibka ah ee Havertz ee dhamaadka xilli ciyaareedka 2023/24, waxa ka dambeeyay Euro 2024 oo uu si fiican u ciyaaray ka hor inta uuna si fiican isku diyaarintii xilli ciyaareedka cusub.

Xiddiga ayaa goolkad dhaliyay kaliya 25 daqiiqo ka hor inta uuna caawiye ka noqon goolkii uu dhaliyay Bukayo Saka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here