Haweeneyda ugu da’da Weynayd Adduunka oo geeriyootay.

0
10

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Haweeneyda ugu da’da weynayd dunida ayaa geeriyootay iyadoo da’adeedu tahay boqol toban iyo todoba sano jir.

Maria Branyas ayaa Mareykanka ku dhalatay sanadkii 1907-dii, waxayna u guureen magaalada Catalonia ee dalka Spain iyadoo markaas da’deedu ay aad u yartahay.

Waxaa Spain la geeyay bilowgii dagaalkii koowaad ee adduunka.

Sanadkii 2020-kii, waxay noqotay qofka ugu da’ada weyn adduunka ee ka badbaaday xannuunka Covid-19 xiligii uu aadka u faafayay.

Qoyskeedu waxay sheegeen inay geeriyootay iyadoo huruda.

Ninka la aaminsanyahay inuu yahay ninka ugu da’da weyn adduunka ayaa Fransiiska ku geeriyooday sanadkii 1997-dii isagoo jira 122 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here