Bilinken oo riixaya heshiis Xabad-joojin oo ka dhaqan gala Gaza.

0
10

Jowhar ( Radio Isnaay ) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa Isniintii sheegay, in Ra’iulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu aqbalay hindisaha xabbad-joojinta Gaza ee uu soo jeediyay Mareykanka, isla markaana ku boorriyay Xamaas in ay aqbasho heshiiskan.

Blinken oo wariyaasha la hadlay kaddib maalin uu kulamo kala duwan la yeeshay madaxda sare ee Isra’il oo uu ku jiro ra’isulwasaare Netanyahu, ayuu diblamaasigan sare ee Mareykanka sheegay, in in riixidda heshiiskan ay tahay tii ugu wanaagsaneyd isla markaana ay dhici karto in ay noqoto fursaddi ugu danbeysay.

Blinken oo saxafiyiinta kula hadlay Tel Aviv ayaa tilmaamay in Xamas laga doonayo aqbalaadda heshiiska, kaddib marki ay aqbashay Isra’il. Wuxuu kaloo sheegay in iyada oo la kaashanayo dhex-dhexaadiyaasha ka kala socda Mareykanka, Qatar iyo Masar, ay dhinacyada colaaddu ka dhaxeyso ay dhameystiran ballan-qaadyada heshiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here