Gabadh dhalinyaro ah oo loo doortay Ra’iisal wasaaraha Thailand.

0
17

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Baarlamaanka dalka Thailand ayaa ra’iisul wasaare u doortay Paetongtarn Shinawatra oo ah gabadha uu dhalay maalqabeenka caanka ah ee Thaksin.

Waxa ay jirtaa da’da 37, waxayna noqon doontaa ra’iisul wasaarihii ugu da’da yaraa ee dalkaas, iyo sida oo kale haweeneyda labaad ee jagadan qabata, ka dib eedadeed Yingluck.

Xulashadeeda ayaa ku soo beegantay laba maalmood uun ka dib markii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Srettha Thavisin ay meesha ka saartay maxkamad dastuuriga ahi.

Labaduba waxay ka tirsan yihiin xisbiga Pheu Thai, oo kaalinta labaad galay doorashadii 2023, balse la sameeyay isbahaysi xisbiga talada haya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here