Banaanbaxyo ka socda dalka Hindiya.

0
21

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Banaanbaxayaal ayaa burburiyay isbitaal ku yaalla gobolka West Bengal ee dalka India, halkaas oo lagu kufsaday gabadh dhakhtar ah.

Isbitaalka ayaa la weeraray intii lagu guda jiray socodkii weynaa ee Reclaim the Night oo lagu qabtay magaalada Kolkata si looga mudaaharaado dambiga arxan darada ah ee ku socda haweenka.

Mudaaharaadyo yaryar ayaa sidoo kale lagu qabtay magaalooyin kale oo badan oo Hindiya ah sida Delhi, Hyderabad, Mumbai iyo Pune.

Ururka Dhakhaatiirta Hindiya (IMA) – midawga ugu weyn ee dhakhaatiirta dalka – ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin guud oo dalka oo dhan ah, wixii aan ahayn adeegyada degdegga tan iyo laga gaadhayo sabtida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here