Xaalad Bani’aadannimo oo daran oo ka jirta Afghanstan.

0
22

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ururada gargaarka ee Afgaanistaan ka jira ayaa ka digaya, in haddii aan la helin taageero caalami ah iyo ka qaybqaadasho joogto ah, uu Afghanstan halis ugu jiro inuu noqdo “dhibaato la illoobay.”

“Haddii aan la helin dadaallo degdeg ah oo lagu kordhinayo ka-qeybgalka diblomaasiyadeed iyo maalgelin joogto ah oo waqti dheer ah, Afgaanistaan, gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha, waxay ku reebi doonaa silic sannadaha soo socda,” ayaa lagu yiri bayaan wadajir ah oo ay sii daayeen Talaadadii 10 hay’adood oo gargaar caalami ah oo ka shaqeeya waddankaasi.

Neil Turner, oo ah agaasimaha Golaha Qaxootiga Norway ee Afgaanistaan, ayaa fariin muuqaal ah oo uu u soo diray VOA ku sheegay, in ka qayb qaadashada caalamiga ah ay lama huraan u tahay xalinta mustaqbalka fog ee dhibaatooyinka Afgaanistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here