Xiddig Muhiim U Ah Man City Oo Seegi Doona Kulanka Chelsea

0
22

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester City ayay aad ugu badan tahay in uu ka maqnaan doono xiddigeeda muhiimka ah ee Rodri marka ay xilli ciyaareedka cusub la ciyaari doonaan Chelsea premier League Axada.

Kooxda difaacanaysa horyaalka ayaa u safri doonta Stamford Bridge todobaadka furitaanka xilli ciyaareedka 2024/25, halkaas oo uu Pep Guardiola ka hor iman doono caawiyihiisii ​​hore ee Enzo Maresca.

Iyada oo kulanku adag yahay waxa Man City xaalka ku sii xumanaya maqnaanshiyaha Rodri oo la filayo in uu seego kulanka.

Xiddiga khadka dhexe ayaan wali ku soo laaban tababarka waxana la siiyay fasax dheeri ah kadib markii uu xulka Spain kula guulaystay Euro 2024.

Sida laga soo xigtay Manchester Evenin News, Rodri ayaan wali ku soo laaban tababarka sabab la xidhiidha dhaawacii soo gaadhay final-kii Euro 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here