Bartii Internetka ee ololaha Trump oo la jabsaday.

0
34

Hey’adda Danbi-baarista Gudaha Mareykanka ee loo soo gaabsho FBI ayaa Isniinti shalay sheegtay, in ay billowday baaritaan ku aaddan eedaha sheegaya loo dusay kambuyuutarrada ololaha doorashada Donald Trump kaddibna la xaday dukumintiyo xasaasi ah.

Baaritaankan ayaa imanaya maalmo kaddib marki uu olalaha Trump shaaciyay in Iran ay weerar xagga internetka ku bartilmaameedsatay ololahooda, inkasta oo aysan bixinin faah-faahin dheeraad ah iyo caddeymo muujinaya in Iran ay weerarkaasi ku lug leedahay.

Shirkadda Microsoft ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay u xaqiijiyay in uu dhacay isku day ay wakiillo ajnabi ah ay ku rabeen in ay ku farageliyaan ololaha doorashada Mareykanka ee 2024.

Howlgalka Iran ee Qaramada Midoobay, oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa beeniyay in ay ku lug leeyihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Iran ayaa muddo dheer lagu tuhunsanaa inay wadday ololeyaal ay ku jabsatay xogo dhanka online-ka ah oo yaallay Bariga Dhexe iyo meelo kasii shisheeya.

Tehran ayaa sidoo horay ugu hanjabtay, in ay ka aargudan doonto Trump, kaddib weerarki sannadki 2020-ki lagu dilay Jeneral Qasim Suleymani oo ka tirsanaa saraakiisha sare ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, weerarkaas oo uu amray madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here