Sudan oo weli xaaladdu cakiran tahay.

0
15

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa jiray suurtogalnimo ah in dib u dhac ku yimaaddo qorshayaashii wada xaajoodyada xabbad joojinta ahaa ee ku qotomay si loo soo afjaro dagaalka Suudaan.

Waxaa jira warar sheegaya in wadahadal u dhaxeeyay Mareykanka iyo wakiilo ka socday dowladda Suudaan uu dhamaaday iyadoo aan la isku afgaran qaabka loo marayo wada xaajoodka ay la yeelanayaan kooxda RSF. Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Suudaan, Tom Perriello, ayaa u safray magaalada Geneva halkaas oo uu ka furmi doono wada-hadallada u dhexeeya labada dhinac maalinta Arbacada ah.

Wuxuu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si degdeg ah loo soo afjarayo waxa uu ugu yeedhay cabsida maalinlaha ah, duqeymaha, gaajada iyo go’doominta ka taagan Sudan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here