Hordhac: Man City Vs Man United

0
13

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha Man United iyo Man City ayaa isaga hor iman doona kulan adag oo ka tirsan Koobka Community Shield-ka.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay si fiican ku bilowdaan xilli ciyaareedka.

United oo ku dambaysay guusha ayaa doonaysa in ay garaacdo kooxda ay jaarka yihiin kulanka.

Dhinaca kale Man City ayaa doonaysa in ay ka aarsato Man United oo ku garaacday koobka FA Cup-ka xilli ciyaareedkii hore.

Kulanka: Man City Vs Man United

Tartanka: Community Shield

Wakhtiga: 5:00

Garoonka: Wembley

Man City ayaa ku tartamaysay saddexdii kulan ee hore ee Community Shield, laakiin midna kuma guulaysan. Man Utd ayaa ahayd kooxdii ugu dambaysay ee afar guuldaro oo xidhiidh ah la kulanta (1998-2001).

Erling Haaland ayaa ku lug yeeshay sagaal gool lix kulan oo uu ka horyimid Red Devils (lix gool, saddex caawiye).

Tani waxay noqon doontaa markii seddexaad ee Manchester City iyo Manchester United ay ku kulmaan Community Shield – United ayaa badisay labadii kulan ee hore, 1-0 ayey ku badisay 1956 iyo 3-2 2011.

City ayaa ku guuleysatay labadii tartan ee Premier League xilli ciyaareedkii hore, waxayna ku badisay 3-0 Old Trafford iyo 3-1 Etihad Stadium.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here