Paul Scholes Oo Arsenal U Sheegay Halka Xiddig Ee Ka Caawin Kara Horyaalka.

0
19

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Paul Scholes ayaa daaha ka qaaday waxa Arsenal ka maqan si ay ugu guulaysato Premier League wuxuuna ku booriyay Gunners in ay la soo saxiixdaan Ivan Toney ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagan.

Arsenal ayaa soo galaysa xilli ciyaareedka iyaga oo doonaya in ay ku guulaystaan premier League markii ugu horaysay tan ilaa 2004.

Kooxda Arsenal ayaa iska xoojisay daafaca oo la soo saxiixatay Califiori hala ay ku dhawdahay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Mikel Merino.

Kooxda ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa xiddigo kale waxana ka mid ah Ivan Toney, Scholes ayaana rumaysan in uu xiddigu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigi doona Arsenal una dhalin doono ilaa 25 gool.

“Arsenal waa in ay la soo saxiixato Weeraryahan u dhalin kara ilaa 25 gool”ayuu yidhi Scholes.

“Waxa ka mid ah xiddiga Ivan Toney kaas oo aan qabo in uu Arsenal u dhalin karo 25 gool”äyuu sii raaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here