Man United Oo Ka Doonayso Xiddig Ka Ciyaara Premier League.

0
11

Jowhar – ( Radio Isnaay) – Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso inay dalab ka gudbiso weeraryahanka Brentford Ivan Toney marxaladaha dambe ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Red Devils ayaa durba xoojisay doorkeeda weerarka xagaagan, iyagoo ka soo qaatay Bologna xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands Joshua Zirkzee.

Man United ayaa Zirkzee kula soo wareegtay heshiis ku kacaya 42.5 milyan euro ka dib markii uu wacdaro ka dhigay horyaalka Talyaaniga isaga oo dhaliyay 11 gool 5 kalena caawiye ka noqday.

Zirkzee ayaa buuxinaya booskii uu baneeyay Anthony Martial kaas oo ka tagay kooxda markii uu dhacay heshiiskiisii kooxdu.

Sida ay hadda tahay, Erik ten Hag waxa uu gali doonaa xilli ciyaareedka isaga oo haysta xiddigaha Zirkzee iyo Hojlund.

Sida laga soo xigtay Football Insider, Man United ayaa qorshaynaysa in ay bilawdo dalab ay ku doonayso saxiixa Toney marxaladaha dambe ee suuqa kala iibsiga xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here