17 qof oo ku dhintay Roobab mahiigan ahaa oo Sudan ka da’ay

0
14

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay waqooyiga Sudan ayaa sababay dhimashada 17 qof, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka.

Khasaaraha ka dhashay roobabkaasi ayaa uga sii daray xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhashay dagaalka sokeeye ee dalkaasi ka socda 16-ki bilood ee lasoo dhaafay.

Korontada ayaa ka maqan magaalada Khartum, dadkuna waxay ku hoyanayaan meel bannaan ah, iyagoo ka baqaya roob kale ayay yiraahdeen, shakhsiyaad codsaday inaan magacooda la sheegin.

Ilaa Koow iyo Toban kun oo guri ayaa dumay, sida uu sheegay wasiirka kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka Samiir Sacad oo la hadlay warbaahinta Talaadadii, ugu yaraan 170 qofna waa ay dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here