Mareykanka iyo UK oo Muwaadiniintooda ugu Baaqay inay ka baxan Lubanaan.

0
20

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Safaaradda Maraykanka ee ku taalla Beirut ayaa ku wargalisay dhamaan muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Lubanaan in ay goosteen “tigit kasta ee ay heli karaan”, xilli xiisadda ka taagan Bariga Dhexe ay cirka isku shareereyso.

Digniintaan ayaa sidoo kale waxaa loo diray muwaadiniinta Ingiriiska, waxaana wasiirka arimaha dibadda ee Ingriisku sheegay “in xaalku dhaqsi isu badali karo”.

Iran ayaa waxay wacad ku martay in ay si xun uga aargudan doonto Israa’iil, iyada oo ku eedeysay in ay masuul ka ahayd weerarkii ka dhacay Tehran ee lagu qaarijiyay hugaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniya magaalinkii arbacada.

Shirqqolka dilka Haniya ayaa dhacay saacado uun ka dib markii ay Israa’iil sheegtay in ay Beirut ku dishay taliye sare oo ka tirsan ciidamada Xisbullah oo lagu magcaabo Fuad Shukr.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here