Liverpool Oo Xasuuqday Man United

0
34

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa xasuuqday kooxda Man United kulankoodii saaxiibtinimo ee ka dhacay Maraykan.

Labada kooxood ayaa ku bilowday shax isugu jira xiddigo da’yar ah iyo xiddigo kooxda 1-aad ah.

Man United ayaa ku badnayd dhinaca da’yarka inkasta oo ay xiddigo kooxda 1-aad ah sidoo kale ku jireen.

Daqiiqadii 10-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay Fabio Carvalho kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Liverpool ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 36-aad dhaliyeen goolka 2-aad waxana u dhaliyay Curtis Jones kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Kooxda Slot ayaa qaybtii dambe sii wadatay qaab ciyaareedkooda iyaga oo sii waday dadaalada ay ku doonayaan goolasha.

Daqiiqadii 61-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 3-aad oo ciyaarta waxana u dhaliyay Tsimiskas kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here